September 11 2010 03:55:24
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of music
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM
  • 8.00 am
  • 2.30 pm
  • 8.00 pm
Isbitaalka Borama
Dugsiga Geb
Kaalmo Agoon
Wariye Maaryaa



Random Media
Somali Links
Somalichannel.tv236
Allmuqdisho.com996
Aminarts.com813
Boramanews.com1153
Bulshoweyn.com1090
Calanka.com1784
Dayniile.com2883
Dhalinta.com1235
Hiiraan.com922
Lughaya.com1364
Mahiigaan.com811
Onkod.net921
Qarandoon.com1261
Somaliweyn.com1058
Wehelmedia.com3714
Xidigtasports.com373
Xoghaye.com987
Xogsheeg.com1273
Xogta.com1367
Xusuus.com1855
WELCOME TO MAARYAA.NET



Maqaal: Qoonsiga Keenyaanka iyo qabqabashada Soomaalida
Posted by -> admin on February 02 2010 09:53:01


Taariikhda: 02/02/2010
Goobta: Star FM Radio
Qoraaaga: Saciid Xasan Anteno

Ku saabsan: Faallo ka hadleysa arrimaha Soomaaliyeed

Waxaa dhawaan dalka Kenya ka dhacdey qabqabasho lagu sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan, taasi oo ku keentay cabsi weyn dadkii hoyga usoo doontey halkani, kana soo cararey dagaalada ka holcaya dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Sababta uggu weyn ee loo aaneynayo qabqabashadan ayey ku sheegtay dowlada Kenya kadib markii dad lagu tilmaamey Soomaali oo wata calanka Al shabaab ay ka qeyb qaateen banaan laga dhigey masjidka Jamia oo ku yaal bartamaha magaalada Nairobi, kaasoo looga cabanayey xariga la xirey wadaadka Jamaican-ka ah ee Al faisal.

Markii danbe banaan baxii si nabadda ah ku dhacayey wuxuuu isu badaley dhagax tuur ciidamada amaankana waxey isticmaaleen suntan dadka kaga ilmeysiisa, ha yeeshee taasi masii socon oo arrinta faraha ayey ka baxdey waxaana bilawdey isticmaalka xabad, waxeyna taasi keentay in amaankii faraha ka baxo, ganacsigii goobtaa ka socdeyna istaago, dad badan dhaawacmaan tiro dhimasha ahna ay halkaasi ka dhacdo.

Saxaafadda Kenya waxey soo bandhigtey sawiro ay ka dhex muuqdaan dad ay ku tilmaameen Soomaali kana qeyb qaadanaya banaan baxan, taasoo kicisey carada dowlada iyo shacabka Kenya.

Ciidanka ammaanka Kenya waxey durbadiiba laba maalmood kadib banaan baxa beegsadeen xaafada sida weyn ay dadka Soomaalida uggu dhaqan yihiin ee Eastleight, iyagoo halkaasi ka qabqabtey dad aad u fara badan.

Qabqabashada ma joogsan oo waxey ku baahdey xaafadaha kale ee magaalada Nairobi, sidoo kale gobolada kale ee dalka Kenya, maadaama dhamaan qeybaha dalku ka kooban yahay ay Soomaalidu wada dagtay.

Ilaa iyo iminka lama hayo tirakoobka dadka Soomaalida ee lagu xir xirey dalka Kenya ilaa iyo markii ay bilaabatey qabqabashada, waxaase jira tirooyin qiyaas ah oo lagu sheegay ilaa iyo 1,000.

Waxaa jira dad kale oo Soomaaliyeed oo arrinta qabqabashada ku macneeyey baroorta orgiga ka weyn.

Waa yadan danbe waxaa la isla dhex marayey in dowlada Kenya xubno katirsan ay aad ugga gilgisheen saameynta dadka Soomaalida ay ku yeesheen dalka, gaar ahaan dhinacyadda ganacsiga, dhaqaalaha, waxbarashada, horumarka iyo tirade.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa markii ay bilaabeen ciidamada Kenya qabqabashada waxey u baxsadeen dhanka Uganda, iyagoo markaa ka cararaya qabqabashada.

Dadka la qaqabtey waxaa ku jirey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale qaar kamid ah saraakiil katirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Wali dad ayaa ku jira xabsiyada oo aan wali lasoo taagin maxkamad, ha yeeshee waxaa jira qaar dib loo sii daayey kadib markii aqoonsigooda la hubiyey.

Soomaalida ku nool Kenya waxey tiradoodu aad u badatey kadib dhicitaankii dowladii Maxamed Siyaad Barre, taasoo keentay in dalkani Kenya ay kusoo jabaan dad aad u fara badan.

Waxaa aasaasmey xerooyin qaxooti sida Dhagaxleey, Dhadhaab iyo Ifo oo inta badan dadka kujira ay yihiin Soomaali, waloow ay jiraan dadyaw kale oo kujira xeryahaasi sida Ethiopian, Eritrean, Sudan iyo Ugandase.

Soomaalida waa udub dhaxaadka suuqa weyn ee Eastleigh, kaasoo ay ka socdaan ganacsiyo kala duwan. Suuqa sidoo kale waxaa ku jira dadka ka ganacsada qowmiyadaha kale ee Kenyanka iyo Ethiopian.

Suuqa weyn ee Eastleigh dadyawga wax ka iibsada waxey ka kala yimaadaan wadamada Uganda, Rwanda, Congo Dr, Tanzania iyo wadamo kale oo ku yaala bariga iyo bartamaha Africa, iyadoona sidoo kale alaabadda laga qaado suuqa la geeyo wadamada aanu soo xusney.

Dadka Soomaalida ee suuqan aasaasey ganacsigiisana kala wada ayaa ka dardaar warinaya haddii sida haatan hawsha ay kusocoto aan wax laga badalin, in uu mugdi gali doonno mustaqbalka ganacsiga suuqa.

Eastleigh kaliya maahan suuq ee sidoo kale waxaa ku yaala guryo deegaana oo ay dadka Soomaaliyeed kireystaan.

Guryaha halkaasi ku yaala qaarkood waxaa iska leh Kenyaan, Soomaalida Kenya, iyo Soomaalida Soomaaliya, waxaadna dareemeysaa in Eastleigh ay tahay meel horumar keedu uu si xawli ah kusocdo.

Guryaha ku yaala inta badan waa dabaqyo, lacagta lagu kireystana waa ay ka badan tahay meelo badan oo kamida Nairobi, dad aad u fara badan ayaana ku nool, lana dhihi karo waa dad ka badan intii loogu tala galey.

Waxaa jirta Soomaali badan oo kasoo noqdey wadamada reer galbeedka Kenyana usoo guurey, iyagoo markaas u arka in Kenya ay tahay goob ay ka shaqeysan karaan haddii ay maalgashadaan ilmahooduna wax ugga baran karaan, ilaa iyo inta ay Soomaaliya ka baxeyso siyaasadda aan saldhiga laheyn, kuna dhaw muddo dhan 20 sano.

Waa yadan danbe waxaa caado u noqotey dadka Soomaaliyeed maalgashiga wadamada ayan laheyn, taasoo bidhaamineysa sida ay dalkoodii ugga aamin baxeen oo ay uggu kalsoon yihiin wadamo shisheeye.

Midda koowaad oo la dhihi karo waa ay ku qasbeysaa dadka Soomaalida maalgashiga wadamada shisheeye waa iyadoo ayan Soomaaliya ka jirin nabad galyo la isku haleyn karo oo qofka ku riixeysa inuu maalgashi, ha yeeshee dhanka kale waxaa soo if baxaya in dadku ayanba kuba qanacsaneyn dalkooda oo ay u hanqal taagayaan meelo kale.

Ha yeeshee maalgashiga wadamada shisheeye mararka qaar waxaa lagala kulmaa halisyo, haddii aanan marka hore si hufan oo bisil aan looga baaraan dagin.

Dadka Soomaali Kenyaanka ayaa qaba in qabqabashada lagu hayo dadka Soomaalida ay saameyn ku yeelan doonto, waxeyna tilmaameen in dadka ganacsatada ah ama deegaanka ah ay yihiin intooda badan dad Soomaali Keenyaan ah, xaqna ay u leeyihiin in dalka ay si xor ah uggu noolaadaan, sida ay qowmiyadaha kale ee Kenyanka ay dalka uggu nool yihiin.

Waxaa jira dad Soomaali ah oo qaxooti ahaan uggu nool Kenya joogana xeryaha Dhagaxleey, Dhadhaab iyo ifo, iyo kuwa kale oo jooga magaalooyinka waa weyn ee Kenya oo aan heysan waraaqaha aqoonsiga qaxootinimada.

Dowlada Kenya ayaa ku macneysay qabqabashada Soomaalida iney tahay arrin lagu sugayo amaanka guud ee dalka, aysana jirin ajandayaal kale oo daahsoon oo loogala dan leeyahay.

Waxaa la sheegaa in Kenya ay joogaan xubno katirsan Alshabaab in kastoo ilaa iyo haatan aan la heynin warar si dhaba u xaqiijinaya sheegashadaasi.

Ciidanka booliiska ayaa aalaaba qaqabta dadka Soomaalida iyagoo weeydiiya kaararka aqoonsiga ee loo yaqaano Kibaandhada, dad badan ayaa ku eedeeyey in booliisku ay bartilmaameed sadaan un dadka Soomaalida ah, iyagoona ka qaata lacag baada.

Qabqabashada lagu hayo dadka Soomaalida ah wali waa ay socotaa, oo waxaa la qabtaa habeen maalin, in kastoo bil ka hor ay arrintu sida haatan ka yasirneyd.

Dadka intooda badan marka aad wareysato waxey kuu sheegayaan iney baqayaan oo ayan u socon Karin sida ay rabaan, taasi oo loo aaneynayo qabqabashada ay booliisku wadaan.

Waxaa qabsoomey shirar kala duwan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Soomaalida kaga jira dowlada Kenya, iyo sidoo kale ganacsatada Eastleigh, dhamaantood waxey ka mideysnaayeen wax ka qabashada umuurtan cusub ee Soomaalida lasoo daristey.

Mar wareysi lala yeeshey wasiirka gaashaandhiga wuxuu sheegay in arrinta qabqabashada ayan dowlada dhan wadin, oo ay gaar u tahay dad yar si wanaag sanna looga wada hadli doono.

Kulan danbe oo xiisa leh, cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban.

Wabilaahi Towfiiq

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
Mobile Phone: - 00254-711 919 -302


6 Comments · 699 Reads · Print
Comments
#1 | wowgold on August 05 2010 09:56:27
How world of warcraft gold did world of warcraft gold the aliens hurt the farmer?Hi, you've reached Meredith's room. I'm sorry wow gold I can't come to the wow gold phone right now, but my waveform has temporarily collapsed, buy wow gold so leave a buy wow gold message, and I'll call you when I've pulled myself together.
#2 | wowgold on August 20 2010 03:41:24
Annoying cheap gold wow cheap gold wow flute music in background: Good day, Jim. wow gold for sale wow gold for sale Your contact, Linda, is not available right now. Your cheap wow gold fast cheap wow gold fast mission, should you choose to accept it, is to cheapest wow gold cheapest wow gold leave your name, number, and a brief message at the cheap wow gold cheap wow gold tone. This tape will self-destruct in thirty s
#3 | juan123 on August 28 2010 07:16:12
Some of wow power leveling you may remember a while back a blog I had posted about the new World of Warcraft Magazine that Blizzard was wow power leveling producing. When I and the other customers ordered the magazine, Blizzard wow power leveling had given an estimate of 8 - 10 weeks for delivery. Unfortunately, it has been wow gold overdue.
Just a few minutes ago though, aion power leveling I received an email regarding the magazine. If you purchased your magazine aion gold but failed to receive an email, then this information is relevant to you! Even cheap wow power leveling if you didn't purchase a magazine there is a surprise!Welcome to BlizzCast 12! buy wow power leveling In this special edition of BlizzCast we'll be celebrating the 5-year anniversary of World of Warcraft's retail release, as well cheap wow gold as the 15-year anniversary of Warcraft: Orcs and Humans by reflecting upon the past, discussing the present, aion power leveling and looking toward the future with some of the masterminds behind the Warcraft franchise. We also take time to focus on World of Warcraft's history, development, and continual evolution.
#4 | xiaobao on September 03 2010 02:53:21
#5 | nikeshoes on September 07 2010 08:38:19
#6 | vava on September 08 2010 04:39:02
h you received a great deal replica watches fake watches The next icon is the Seal of Approval Award The origin of this award stems from my picky nature and the trust that the people in my life have in my taste swiss watches as well as my position as someone who 'knows enough about watches' to make a value judgment replica watches My seal of approval designates that something is so impressive I cannot help but elaborate my sentiments through the gifting of an symbolic award A lot of things can merit such a seal and like the Good Value Aw
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Somali Channel


Wareysi Lamaanaha UK
Lamaanaha UK
Wariye Dhaawacmay