Borama: Arday ka qalin-jabisay Madarasada Daaru Ilmi Kasiir ee xafidka Quraanka.
Posted by admin on July 20 2010 10:02:52
20 July 2010 (MNA) -Madarasadaan oo ka mid ah madarasadaha ugu caansan ee ku yaala magaalada Borama,iyo gabi ahaanba Gobolada Awdal/Salal, ee xaga xifdiga quraanka Kariimka ah, ayaa waxaa munaasabad noocanoo kale ah, sanad walba lagu qabtaa.
Madarasadan waxaa aasaasay Dhalinyaro naftood hurayaal ah, oo kaba gashaday sidii ay u kor yeeli lahaayeen, qawlka ilaahay, waxaana maamula xiligaan Sheekh Maxamed Faarax Raage, waqtigaa la bilaabay ayaa waxaa lagu bilaabay arday tiro yar.
Kadib heerar kala duwan oo ay soo martay madarasadani, ayaa iminka waxaa madarasadan wax ka barta, arday kor udhaafaysa 350 arday , kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar una badan da'yar.
Hadaba munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday Barxada wayn ee Iskuulka Sheekh Cali Jawhar, halkaasoo Shahaadooyin lagu guddoon siiyay 6 Wiil iyo 1 Gabadh oo dhameystay Xifdinka Quraanka kariimka.
Ugu horeyn halkaa waxaa lagu furfuray aayaadka quraanka kariimka ah, kuwaas oo arday dhawrihi, ka soo jeediyeen aayaadka quraanka kariimka ah, oo dadkii halkaas joogay khusuuc iyo daakiro galisay, sida wanaagsan ee ay da'yartaasi u akhriyayeen aayaadka rabbi.
Aayaadkaa quraanka ka bacdi, waxaa halkaas hadal aad u qiimo badan ka soo jeediyay, Maamulaha Madarasadan Daaru Ilmu Kasiir Sheekh Maxamed Faarax Raage waxa uuna ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay madarasadani iyo halka ay iminka marayso,waxa uuna ka sheekeeyay fadliga uu leeyahay in la barto lana xafido, Qawlka illaahay, waxa kale oo uu sheegay, in quraanku yahay ka u shafeeca qaadaya cida ilaalisa kuna dhaqanta waxa uu eebe faray.
Ugu danbayn halkaas waxaa lagu gudoonsiiyay, Jawaa'is ardaydii ku guulaysatay xifdiga quraanka kariimka ah tartan usoo socday ardayda wax ka barata madarasadan.
Isku soo wada duuduuboo, Madarasadani waxa ay ka mid taha, madarasadaha ugu caansan ee ku yaalada degmada Boorama, ardayda ay sanad walba soo saaraana waxa laga arkaa midhahooda, sanadwalba waxa ay tujiyaan bisha Ramadaan masaajidada waa wayn ee ku yaala degmada Borama.
Though star trek credits the ways to make wow gold are varied, star trek credits gold is a relatively hard commodity to come by in abundance. If you're trying the skinning sto power leveling out, ensure that you pick some sto power leveling areas where there are a lot of animals. The skins can be sold at the AH for very good money.There sto credits are various levels, which bring various sto credits areas and different animals to skin. When you're at a lower level, harvesting can be sto credits done in some great areas like Hillsbrad, the sto credits Wetlands and the Badlands. In these areas, the whelps will definitely bring in some star trek online credit major gold. If you're willing to star trek online credit put the effort in, you can make a healthy sum of cheap world of warcraft gold every hour or so.